Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Meelo kala duwan ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir Degmadda Hodan ee Gobolka Babaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxa ayaa ahaa midka dhajiska oo gaari ay la socdeen Ciidamadda Booliska ku xirnaa waxaana jira khasaare soo gaaray ciidamadda Booliska Dowladda iyo dad Shacab ah.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo kale oo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana goobta laga qaaday dhaawacyadda iyo meydadka shacabka iyo askarta.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

