Ciidamadda Kenya oo Duqeyn Ku Dilay Hooyo iyo Laba Caruur ay Dhashay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamadda kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay duqeyn ka fuliyeen halkaas.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaano u dhaxeeya Ceel-waaq iyo Baardheere ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabo Cows-qurun.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha Dowladda Kenya,islamarkaana khasaare uu jiro.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeynta ku dhintay haweeney iyo labo caruur ay dhashay,waxaa sidoo kale jira qof ku dhaawacmay.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta Ciidamadda Kenya ay u beegsadeen dadka shacabka ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here