Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa loogu baaqay inay la yimaadaan isbedel ku aadan weeraradda Gaadmada ah ee lagu beegsanayo Mas’uuliyiinta Maamulada Gobalada ka dib Dilkii Gudoomiyihii Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.
Dilalka qaraxyada loo adeegsaday ee lala beegsaday Gudoomiyaashii Gobalada Baanaadir,Nugaal iyo Mudug ayaa la sheegay inay daboolka ka qaadeen in Alshabaab ay bartilmaameedyo ku hayaan Mas’uuliyiinta Gobalada oo Muhiim u ah Hogaaminta Amniga iyo adeegyada ee Gobalada dalka .
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha shacabka Dowladda Soomaliya oo lahadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa tacsi udirey Maamulka Puntland iyo Dhaman qoyskii , Ehelka iyo asxaabtii uu ka Baxay allaha unaxariistii Gudoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nur asagoona xusey in dilalka Qorsheysan iyo qaraxyada dhacaya ay tahay dhibaatoyin dadka Soomaliyeed u soo hoyday.
Baaqan loo soo jeediyay Maamulka puntland ayaa yimid kadib markii shalay qarax lala beegsadey Gudoomiyihi Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Cade iyo Ilaaladisi ayadoona Laga Dalbadey Maamulka puntland in Amniga Deeganada Maamulka puntland aad loo adkeeyo.

