Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sharuud ku xiray wada-hadalka Soomaaliland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Isagoo maanta ka hadlayay, munaasabadda 18-may ayuu sheegay in aysan marnaba la hadli doonin Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya aysan ixtiraamin Qarannimadaasi lala kala noqday.
“Halkii ay ahayd in la isku ixtiraamo Qarannimadaasi lala kala noqday, lana is ictiraafo, dhex-deenana laga doono garawshiiyo iyo bogsiinta wixii dhacay, Dawladihii Soomaaliya iskaga dambeeyey 1991-kii illaa maantu waxa ay qaateen waddo khaldan oo ah dagaal iyo colaad cusub oo hor leh. Waxaase aan xusuusinayaa in Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay Muqaddas iyo lama-taabtaan, wax kasta oo ay nagu kalifayso,markay arrintu sidaa tahay, jiritaanka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somalilandna tahay muqadas, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku wada-hadli karaan oo kaliya laba khiyaar mid uun:
- Wada-hadal Caalami ah, oo raacaya Nidaamka Wada-hadallada Caalamiga ah, oo ay goob-joog ka ahaadaan Dawlado iyo Hay’ado Caalami ah, laguna qabto fagaare Caalami ah iyo goob dhex-dhexaad ah, Natiijada ka soo baxda wada-hadalladaasina ay noqdaan sharci ay ilaaliso Bulshada Caalamku.
- In arrinta Somaliland iyo Soomaaliya sharciga la mariyo (arbiteration/legal court) halkaasi ay ku kala baxaan.

