Dowladda Kenya oo ah wadan daris la ah Somaliya islamarkaana ay wadagaan xuduuda iyo xeebaha dalka ayaa waxaa in muda ah ka tagnaaa muranka iyo is qabqabsi siyasadeed xoogan oo ku aadaana dhanka iyo badda somaliya iyadoona Kenya lagu eedeedeyay in ay wado musuq iyo sad balaarsi dhanka iyo xeebta somaliya
Kenya ayaa u muuqato mid aan ku Qanacsaneyn dacwada ay dowlada dhaxe e somaliya ka gudbisay kaas oo la xiriira muranka dhanka badda.
Arintaas ayaa keentay shaki badan oo ku aadan in Kenya ay leedahay dano iyo qorshayaal u gaar ah dib u dhigista furitaanka Dacwadda badda.
Dhan kale waxaa arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay siyasiyiinta dalka iyagoona sheegay inaan loo dulqadan karayn arinta ay wado kenya iyo gaabiska ay ka gaabisay dardar galinta iyo waliba fulinteeda howsha dacwadda.
Siyasiyiinta somaliyeed qarkood oo arintaasi si qota dheer uga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa maxamed jaamac oo ah waziiru dowlihii hore ee dakada iyo gadiidka badda sido kle noqday xildhibaan hore oo ka tirsanaa barlamanka Somaliya ayaa isna dhankisa ka sheegay in kenya ay aysan waxba iskla hayn islamamrkaana aysan u bareeri kareen arintaasi.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida iyo Madax Hore ay ka dambeeyaan in dib loo dhigo kiiska Badda.
Hadalka masulkaan hore ee ka tirsanaa xukuumada somaliya ayaa kuso aadaya iyadoo wali ay taagantahy murankii xoganaa ee u dhaxeeya somaliya iyo kenya taas oo la xiriirta arinta dacwada bada Somaliya.

