Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka kala Tirsan Malatariga iyo Booliska Soomaaliya oo xalay ka dhacay magaaladda muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Xaafadda ZONE K,Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa sababay iska hor imaadka ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada ciidan ay kala shakiyeen, halka warar kalana ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Booliska, sidaana uu dagaalku ku bilowday.
Inta la xaqiijiyay Illaa afar askari oo labada dhinac ah ayaa dagaalka ku dhintay, oo uu ku jiro sarkaal ka Tirsanaa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad, ayaa lagu dilay iska hor imaadka.

