Maxkamadd ku Taala Italy oo Xukun ku Riday Muwaadin Soomaaliyeed

0

Maxkamadd ku taal dalka talyaaniga gaar ahaan magaalada Bari oo dhacda koonfurta dalka taliyaaniga ayaa Talaadadii xukun xabsi ah kuriday muwaadin somaliyeed oo lagu eedeeyay in uu xiriir la lahaa kooxaha ka dagaallama dalka Somalia.

Muwaadinkan somaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabaa Muxsin Ibraahim Cumar sidoo kalana loo yaqaannay Yusuf da,diisu waxa ay aheyd 22 sano jir waxaana maxkamadu ay kuxukuntay xabsi waqtiguus uu gaarayo 104 bilood,oo u dhiganta 8sano iyo bar kadib markii ay sheegeen in uu maleegay shirqool argagixiso oo ka dhacay magaalada Vatican sida ay qortay warbaahinta qaranka dalka taliyaaniga.

Ninkan aya a lagu qabtay magaalada Bari oo dhacda koonfurta dalka taliyaaniga bishii December 2018 iyada oo lagu tuhmayo in uu kuluglahaa falal argagixis.

Sida ay sheegeen baarayaasha, waxaana lagu tababaray dugsi Islaami ah oo ku yaal caasimadda Kenya ee Nairobi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here