Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay xariga loo geystay Gudoomiyihii Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, Imaan Caddow Kaarshe,kaasi oo la keenay magaaladda Muqdisho.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka dambeysay qorshaha lagu xirey Gudoomiyaha.
Waxa uu sheegay in Amiin Caddow Kaarshe uu ahaa Gudoomiyihii Degmadda Garbahaarey ee Gobolka Gedo,islamarkaana xarigiisa uu yahay mid sharcidaro ah,wuxuuna ku baaqay in lasii daayo.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortaga Xanuunka Covid19 iyo fatahaadaha ka jira Gobolka Gedo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenku in Jubbaland ay go’aano adag ka qaadan doonto khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ah ka wado Gobolka Gedo taas oo ay ku burburisay dhamaan Hay’adahii sharciga ahaa ee halkaas ka jiray isla markana maamulo maqaar saar ah oo aan sharci ahayn ay ka abuurtay Gobolka kuwaas oo dhibaato ku haya Bulshada.

