Wararka ka imaanaya Degmadda Gar-bahaarey ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamadda NISA ee halkaas ku sugan ay xabsiga dhigeen Gudoomiyihii Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, Imaan Caddow Kaarshe.
Howlgal ka dhacay Degmadda Gar-bahaarey ayaa lagu soo qabtay Gudoomiyaha,waxaana la sheegay in diyaarad looga soo qaaday halkaas lana keenay Magaaladda Muqdisho.
Hawlgalkan lagu soo qabtay Imaan Caddow Kaarshe ayaa waxaa hormuud ka ahaa Korneyl Biid Halaag, oo ah Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, waxaana ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha loo xirey gudoomiyaha ay tahay in uu diiday xil wareejinta maamulka,kadib markii dhawaan xilka laga qaaday.

