Waxaa fah-faahinno dheerad ah laga helayaa khasaarha ka dhashay roobab xalay ka da’Ay Muqdisho, waxaana jira waxyeello soo gaartay dad danyar ah oo roobabku saameeyeen.
Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku geeriyootay kuwaas oo la sheegay in uu kusoo dumay guri ay ka dagganaayeen degmada Wadajir gaar ahaan xaafadda lagu magaacaabo Ceel-qalow.
Waxaa la xaqiiyay in ay u badnaayeen dadka dhintay carruur, waxaana jira cabsi ballaaran oo soo wajahday dadka danyarta ah ee deggan guryaha dhagaxa kasameeysan ee qaddiimka ah.
Maal mihii lasoo dhaafay waxaa jiray roobab xooggan oo ka da’ayay magaalada muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay saameeyeen dadka danyarta ah ee aan haysan meel ay kaga gabbaadsadaan dhibicda roobka, halka kuwa guryaha qaddiimiga ah degganna ay ka cabsi qabaan in ay ku dumaan guryaha ay ku nool yihiin.

