Waxaa dalka Kuwait ku geeriyooday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar Cabdi Qani Maxamed Waceys.
Danjire C/qani Waceys ayaa la sheegay inuu la noolaa cudurka sokorowga oo uu xilliyo qaar u xanuunsaday.
Cabdi Qani Maxamed Waceys ayaa ahaa Diblomaasi muddo dheer ka soo dhaqeeyay arrimaha dibadda laga soo bilaabo sanadkii 1970,iyada oo uu dalal dhowr ah Safiir kasoo noqday.

