Shir ka Socda Kismaayo iyo Wax Garad kala Duwan oo Ka Qayb Galaya

0

Waxaa magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobalka Jubada hoose ka socda shir ay leyihiin  Garabka isbaddal doonka Jubaland, waxaana shirkaan diiradda lagu saari doonaa arrim badan oo quseeya masiirka maamulka Jubaland iyo sidii looga taqlusi lahaa madaxweynaha hadda talada maamulkaas haaye Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah xubnaha shiraya oo idacdda Simba la hadlay waxaa jira dadaallo xooggan oo lagu doonayo in Axmed Madoobe uu meesha ka baxo, ayna doonayaan in uu dhaco isbaddal guud oo ah hoggaanka sare maamulka Jubaland.

Shirka oo kismaayo ka socda ayaa waxaa qayb ka ah Xildhibaano, wasiiro iyo waxgaradka reer Jubaland waxaana diiradda lagu sari doonaa meesha uu kaga bixi lahaa Axmed Madoobe.

Faarax Cayduruus oo h Afhayeenka Golaha isbaddal doonka Jubland ayaa idaacadda Simba u sheegay in ay shirka maanta leeyihiin ayna ku faaqidi doonaan sidii uu u dhici ahaa is baddal dhab ah, waxaana uu intaas ku daray in shirkooda ay rajaynayaan in ay kasoo baxaan Go’aammo wax ku ool-ah.

Tan iyo markii Axmed Madoobe  logu doortay kismaayo ayaa waxaa soo  baxayay mucaaradada kasoo horjeeda maamulka uu hoggaanka u hayo Axmed Madoobe.

Waxaana xusid mudan in ay jiraan dhinacyo kala duwan oo aan ku qanacsanayn in hoggaanka Jubaland, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay horay ugu dhawaaqday in doorashada ka dhacaday kismaayo aysan aqoon sanayn, waloow ay jirtay dhawaan in heshiis uu dhexmaray C.naasir seeraar, C.Rashiid Xidig iyo Axmed MADOOBE.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here