Haweeney 18 Bilood Lagu Hayay Gugaha Soomaaliya oo Lasii Daayay

0

Warbaahinta dalka taliyaaniga ayaa shaaca kaqaaday in haweeneey udhalatay dalka taliyaaniga ay siidaayeen kooxo  afduubtay haweeneydaan kuwaasi oo kusugan gudaha dalka somalia.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Silvia Romano ayaa aheyd haweeney kashaqeeneysay arrimaha samafalka waxaana 18 bilood kahor laga afduubtay qeybo kamid ah xadka waddamada Somalia iyo Kenya.

Qoraal kooban oo uu soo saaray reysulwasaaraha dalka taliyaaniga Giuseppe Conte  ayuu kuyiri “Silvia Romano waa lasiidaayay,waxaan umahadcelinayaa ragga iyo haweenka kuwaas oo katirsan sirdoonka dibadda waxaan kugu sugeynaa taliyaaniga”sidaa  ayuu bartiisa twitterka kusoo qoray  reysulwasaaraha dalka taliyaaniga Giuseppe Conte.

Warbaahinta dalka taliyaaniga ma aysan bixin macluumaad dheeraad ah oo laxariira sida ay kusuurta gashay in lasiidaayo haweeneydan lagu afduubtay qeybo kamid ah xadka waddamada Kenya iyo Somalia sidoo kale majiro wax hadal ah oo laxriira siideeynta haweeneydan udhalatay dalka taliyaaniga kaasi  oo kasoo baxay dowladda kenya

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here