Faah-Faahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Muqdisho

0

Waxaa faah-faahinno dheerad ah laga helayaa dagaal xalay dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku daggaalamay qaybo ka mid ah magaalada muqdisho waxaana dagalkaas ka dhashay khasaare dhimasho  iyo dhawaac leh.

Sida gobjoogayaal ka agdhawaa halka ay wax ka dheceen ay inoo xaqiijiyeen dagaalka ayaa ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hub kala duwan, wxaana dagaalkani uu dhexmaray ciidan militariga iyo kuwa Booliska.

Waxaa la shegay in ciidanka Booliska ay sameeyeen howlagallo ay ka sameeyeen degmada wadajir ee Gobalkani Banaadir, balse waxaa howlgalkooda ay kala kulmeen dagaal kaga yimid ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo ku sugnaa aagga howl galka ay ka sameynayeen ciidanka Boolisku.

Dagaalka ayaa waxaa uu xoogiisu ka dhacay xaafadaha Tarabuush iyo Kaawo Gudey ee Degmada Wadajir, waxaa ciidanka Booliska ee waday Howgalka  la tilmaamay inay isku dayeen in baaritaano ay ku sameeyaan Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Bile Af-dheere, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen Ciidamo Milateri ah oo la joogay Sarkaalkaas.

Intaas kadib waxaa ku baxay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Gobalka Banaadir, iyagoo kala dhex galay dagalkaas u dhexeeyay labada ciidan, waxaana lasoo sheegayaa in afar ruux  ay ku dhinteen dagaalka kuwaas oo ahaa shacab ka agdhawaa halka ay wax ka dheceen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here