Hoobiyayaal Caawa Lagu Weeraray Xarunta Xalane ay Dagan Yihiin AMISOM

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiyayaal caawa lagu Weeraray Xarunta Xalane ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM iyo ajaaniib kale.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa Saddex Hoobiye oo gudaha Xalane ku dhacay Salaada Maqrib kadib.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Jugta Hoobiyayaasha si weyn looga maqlay Gudaha Magaaladda Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow Xarunta Xalane.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay Hoobiyayaasha Lagu Weeraray Xarunta Xalane ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM iyo ajaaniib kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here