Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeaha Hoose waxa ay ku dileen Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uulka la dilay ayaa ahaa Gudoomiyaha Isbortiga Degmadda Afgooye ee Shabeelaha Hoose,waxaana lagu magacaabi jirey Cabdiwali Colaad Qanyare(Gaatamow),wuxuuna horey u ahaa Goolhaye Hore iyo Ciyaaryahan Hore.
Sida naloo xajiiyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay mas’uulka xili uu kasoo baxay Salaadda Taraawiixda,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Lama oga Sababta ilaa haatan loo dilay Cabdiwali Colaad Qanyare(Gaatamow).

