Al-shabaab oo Goob Gafaare ah Ku Toogtay Yaasiin Maxamuud Cumar

0

Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa xukun dil ah ku riday Yaasiin Maxamuud Cumar oo Al Shabaab ku eedeeyeen in uu u basaasayay sirdoonka dowladda Mareykanka kana howlgalayay Shabeelaha Dhaxe.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkan uu soo qaatay qandaraas uu ku keenayo macluumaad ku saabsan xubnaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, loona balan-qaaday lacago kumanaan dollar ah.

Sidoo kale Yaasiin ayaa la sheegay in Sarkaal ka tirsan Sirdoonka dowladda Federaalka inuu ku xiray Sarkaal Mareykan oo ka tirsan CIA-da kaasoo jooga Xarunta Xalane.

Fagaaraha kuyaala Degmada Aadan Yabaal ee ninkan lagu toogtay waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan oo usoo daawasho tagay sida xukunka u dhacayay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here