Wararka ka imaanaya Degaanka Teerage ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku warramayaan in dagaal beeleed khasaaro gaystay uu halkaasi ka dhacay waxaana sidoo kale lasoo shegayaa in wali dagaalku socdo.
Maamulka Puntaland ayaa u diray ciidan kala dhexe gala labadaas beelood ee walaaha ah, maleeshiyo beeleedka dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo maamulka Glamudug.
Qaar kamid ah dadka degan deegaanka lagu dagaalamay ee Teerage ayaa waxaa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamey maadaama raggii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.
Inta badan waxaa soo laalaabta gadaal beeleed yada ka dhaca degaanada ay kala maamulaan maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo ay xusid mudan tahay in tiro dhowr jeer ah heshiis la dhex dhigay beelaha dagaalamaya.

