Wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo ka hadlayay Caabuqa carona Virus ayaa sheegay in dowladda federaalka qof kasta oo ku dhinta dalka ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda muqdisho ayuu Sheegay in Cudurka uu saameyn ku yeeshtay bulshadda oo dhan.
“Qof kasta wuxuu leeyahay Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow, buu u dhintay, waxaas waxba kama jiraan, waxaan idin sheegaya in dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaama uu yahay majority -ga ugu badan ee dadku u dhimanayaan.” ayuu yiri wasiir Maareeye.

