Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug iyo deeganadda ku dhow dhow waaxaa saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay roobab gaystay khasaare dhimasho ah iyo dhaawac.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka guri ku yaala deegaan duleedka Dhuusomareeb kuyaala waxaa ku dhacday Biriq, waxaana ku dhintay shan qof oo isku qoys ahaa halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.
Waxaa la sheegay in guriga ay Biriqda ku dhufatay ay ku noolaayeen 7-ruux,islamarkaana ay dhinteen 5-ruux.
Dadka dhintay ayaa kala ahaa hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay,waxaana u gurmaday Maamulka iyo Shacabka Magaaladda Dhuusa-mareeb.

