Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle, ayaa Mooshin xil ka qaadis ah ka keenay gudoomiyaha Baarlaamanka Maamulka Hir-shabeelle Shiikh Cusmaan Barre Maxamed.
Xildhibaano gaaraya 63-xildhibaan ayaa saxiixay mooshinka xil ka qaadista gudoomiyaha Baarlaamanka Maamulka Hir-shabeelle.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanadda Mooshinka wada ay taageero ka helayaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare, Cali Guudlaawe Xuseen.

