KGS oo War Kasoo Saartay Qaraxyo Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Baraawe

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyo Xarakadda Shabaab ay ku weerareen Garoonka diyaaradaha Magaaladda Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Booliska Baraawe Ibraahim aadan Cali, oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho,ayaa sheegay In Shabaab qaraxyo kusoo wareereen Garoonka Baraawe.

Waxa uu sheegay in wax laga ogaa qaraxyadda islamarkaana laga hortagay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qaraxyada aysan khasaare geysanin,islamarkaana howlaha garoonka ay caadi ku socdaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Baraawe Ibraahim aadan Cali, ayaa shabaab ku eedeeyay in ay doonayeen in khasaare u geystaan Garoonka Baraawe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here