Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Qarax Miino oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho,iyadoo ragii aasayay ay waxyeelo soo gaartay.
Qaraxa ayaa ka dhacay waddo ku taalla Isgoyska degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mid kamid ah raggii aasayay miinadaasi uu ku dhintay isla qaraxa,halka laba kalena la qabtay,kuwaasi oo dhawac uu ka soo gaaray falkii ay maleegayeen.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falalka noocaan oo kala ah, xili bandow ay tahay Magaaladda Muqdisho.

