Faah-faahin:-Laba Ruux oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka tirsan ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Degmadda Kaxda ee gobolka banaadir ku dilay Laba Wiil oo dhalinyaro ahaa.

Labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa dilkooda wuxuu yimid kadib markii waxyaabaha Maanka dooriya ay isku qabsadeen askari dowladda ka tirsanaa, waxaana la sheegay inuu rasaas ku furay iyagoo koox dhalinyaro ah.

Sidoo kale askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacay 3-dhalinyaro kale oo goobta ku sugnaa,wuxuuna ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay.

Ciidamadda amaanka Degmada Kaxda ayaa ku raadjooga askarigii ka dambeeyay dilka Dhalinyaradda loo geystay,waxaana saakay la aasay labadii wiil ee la dilay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here