Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo xalay ka dhacay magaaladda muqdisho,iyadoo ragii aasayay ay waxyeelo kasoo gaartay.
Qaraxaan ayaa ka dhacay wadada marta Isgoyska SOS oo inta badan ay isticmaalaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay kii aasayay, islamarkaana waxyeelo daran ay soo gaartay labo ruux oo ilaalo u aheyd.
Ciidamada amaanka oo ku sugnaa meel halkaas u dhow ayaa gaaray goobtaas, iyagoo halkaas ka qaaday ragga dhaawaca ah oo sawiradooda lagu faafiyey baraha bulshada.




