Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta ka war bixisay xaaladdii ugu dambeeyay ee COVID-19.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabagtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegtay in dadaallada is-daba joogga ah ee dowlddu sameysay aawadeed lagu guuleestay qorshayaal badan oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo la taliyaha nidaamka caafimaadka, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa shirka jaraa’id kadib waxay ka jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arrimo la xiriira COVID-19.
Dhanka kale wasiir Fowzia ayaa sheegtay in ay soo kordheen 73 Kiis, kadib markii Baaritaan lagu sameeyay dadkaasi sida Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ay sheegtay.
22 ka mid ah dadka maanta la baaray ayaa waxa ay yihiin dumar, halka sidoo kale 51 ruux ay yihiin rag, kuwaasi oo Baaritaan lagu sameeyay, kadib laga helay Corona, waxaana jiray kiis dhimasho hal ruux ah, taasi oo wadarta guud ee dhimashada ka dhigeysa 8 ruux.

