Diyaaradii ku dagan weysay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan cade oo la sheegay in ay ku dhacday deeganka Carbiska Gaar ahaan meel la Yiraahdo bood-boodka
Dad ku sugan deeganka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa idaacada simba u sheegay in deegankaas ay ku soo dhacday diyaarad nooca Rakaabka ah oo saacadihii lasoo dhaafay ku dagan weysay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho
Halka ay kusoo dhacday diyaarada ayaa haatan la sheegayaa in ay gaareen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka deeganka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada ay saarnaayeen 6-ruux oo la sheegay in laga badbaadiyay markii ay ku dhacday deeganka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho

