Khaad si dhuumalaysi ah lagu soo galiyay dalka ayaa lagu qabtay dekadda Ceel-maac, waxaana gacanta uu u galay ciidanka Booliska Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidanka Booliska gaar ahaan laanta Canshuuraha ayaa Muqdisho kusoo bandhigay qaadka ay soo qabteen Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka xooga, kaasi oo ay tilmaameen in la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo Muqdisho.
Saraakiisha ciidanka ee ka hadlay goobta jaadkan lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in Jaadkan uu ahaa mid sharci daro ah laga soo dejiyay dekadda Ceel Macaan lana doonayay in lasoo galiyo Muqdisho si loogi iibiyo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal horey mamnuucday qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka lagu gubay qaad farabadan.

