Farmaajo oo Ka Tacsiyeey Geerida Xildhibaan Aadan Jamhuuriye

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Maxmed ( Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Xildhibaan Aadan Jamhuuriya oo muqdisho ku Geeriyooday.

Waxaa uu sheegay Farmaajo in Xidhibaanku uu ka mid ahaa Xildhibaanadii sida weyn uga qayb qaatay hannaanka dowlad nimada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here