Ciidamada ammaanka magaalada Balan-balle ee Gobalka Galgaduud ayaa wada maanta howl gallo amniga lagu xaqiijinayo.
Ciidamda qaybta 21aad iyo booliska Degmada Balan-balle ayaa wada howl galkaan, waxaana ay baaritaanno iyo dadaallo ammaanka lagu sugaayo ay ka wadaan gudaha magaalada.
Guddoomiyaha degmada Jaamac Xayle oo idaacadda Simba waraysi gaar ah siiyay ayaa ka hadlay howl galka ay ciidanku sameeyeen iyo waliba ammaanka guud ee Balan-balle, waxaana u sheegay in uu ammaanku yahay mid hagaagsan ayna jiraan dadaallo ay wadaan dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka ku sugan degmada.
Dhanka kale waxaa guuddoomiye jaamac uu ka hadlay sameynta caabuqa Covid19 iyo sida ay uga feejigan yihiin ka maamul ahaan, waxaa uu sheegay in ay jiraan dad kasoo gala dhanka xuduudka ay Ethopia la leeyihiin, gaar ahaan Dowlad degaanka Soomaali Galbeed, kuwaas oo uu sheegay in meelo gaar u sameeyeen si loo hubiyo xaaladoda caafimaad.
Maal-mihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray howl gallo ballaaran oo ay sameeynayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Glamudug, waxaana jirta in degaanada iyo degmooyinka uu ka arrimiyo maamulka Galmudug ay ka socdeen howl Galladaan amniga lagu xaqiiinayo.

