Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday xalay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Xildhibaan aadan Moobleen oo mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaaladda Muqdisho ayaa ugu dambeyntii u geeriyooday xanuunkii hayay.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in labadda kilyood uu ka xanuunsanayay,islamarkaana mishiin looga nadiifinayay kilyaha.
Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen odawaa oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geeridda Xildhibaanka.
“Waxaan tacsida la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Xildhibaan Aadan Jamhuuriya,xildhibaan Aadan waxaan ahayn daris iyo saxiibo ku soo wada koray xafadda Towfiiq, dagmada Yaaqshiid.waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo”, ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

