Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Dhaqtar xalay lagu Dilay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, nin hubeysnaa ayaa dilay wiil dhaqtar ahaa oo Farmashiye ku lahaa Degmadda Dharkinley xiligii salaadda Maqrib.
Dhaqtarka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Yuusuf Jeylaani oo Dalka Suudan kasoo bartay Cilmiga Caafimaadka.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in wiilka la dilay uu ka Tirsanaa Dowladda Soomaaliya,islamarkaana uu la shaqeynayay Nabadd Sugidda Soomaaliya.
“Xalay fiidkii ayay xoogag hubaysan xaafadda Dabakaaya madoow degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdullaahi kaasi oo katirsanaa ciidamada sirdoonka qeybta dharcadka loo yaqaan”,ayaa lagu yiri warka Shabaab.

