Madaxweynaha maamulka Puntaland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Cafis u fidiyay Maxaabiis farabadan oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla degaanada maamulka Puntland uu ka arrimiyo.
War kasoo baxay xafiiska Deni ayaa cafis loogu fidiyay maxaabiis tiradooda lagu sheegay 194 maxbuus, kuwaas oo ku xirnaa xabsiyada puntland.
Wax yaabah kenay in Cafiska loo fidiyo Maxaabiista ayaa lagu sheegay inay tahay xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhaqan, sidoo kalena kiisaa dhowr ah laga helay gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa jira maxaabiis farabadan oo ku xiran xabsiyada ku yaalla degaanada maamulka Puntland kuwaas oo danbiyo kala duwan loo haysto.

