Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ayaa tacsi u diray qoyskii, hobollada Qaranka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay alle ha unaxariistee Fanaankii Qaranka Cumar Cabdulle shooli ooku geer iyooday magaalada Muqdisho, waxaana uu Allah uga baryay marxuumka inuu u naxariisto.
Qoraal laga soo saaray Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cumar Shooli uu ahaa Fanaan kaalin weyn kasoo qaatay dib u dhiska dalka,islamarkaana la xasuusan doono.
Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulle Shooli, oo muddooyinkanba ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.
Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hoboladii Qaranka ee Waaberi ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Yardimeri ee Magaalada Muqdisho.

