Magaaladda Muqdisho waxaa xalay ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle Shooli, oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay Magaaladda Muqdisho.
Ehelka Fanaanka ayaa xaqiijiyay in muddo Laba Bilood ah uu ku xanuunsanaa Magaaladda Muqdisho,islamarkaana xalay uu geeriyooday.
Cumar Shooli oo lagu naaneysi jiray (Madaalihii Hobolada Waaberi) ayaa toddobaadkii hore shaashadaha laga daawaday, isagoo umadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkaba Soomaaliya ka codsanaya in la caawiyo.

