Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Labo Ruux oo goordhaweyd Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Falkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow Masjidka Macalin Biyamaalow ee Magaaladda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay dileen Labada ruux xili ay wateen Gaari kuwa Raaxadda ah.
Ilaa haatan lama oga waxa ay ahaayeen dadka la dilay iyo sababta loo dilay.
Goobta uu falkaan ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

