Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali (Najax), ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Wanlaweyn, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan iyo mas’uul kale.
Xubnahaan ayaa lagu eedeeyay in ay hurinayeen dagaal beeleedka mudooyinkii dambe ka dhacayay Degmadda Walanweyn kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in uu wadatashi la sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddigii Wasiirada, ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u xilsaaray xalinta colaadda degmadaasi, isla-markaana uu dhageystay odayaasha beelihii halkaasi ku dagaalamay.
Xubnahan ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dagaaladii dadka badani ku dhinteen.

