Hir-shabeelle oo ka Hadashay Khilaafka Magacaabista Guddiga Doorashooyinka+Dhageyso

0

Maamulka Hirshabeelle ayaa war ka soo saaray Khilaafka la sheegay in uu ka Taagan yahay Magacaabista Guddiga Doorashooyinka Maamulkaasi.

Wasiiru Dowlaha Diinta iyo Awqaafta Nuur Xaashi oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in qorshaha magacaabista Guddiga uu meel wanaagsan marayo,islamarkaana uusan jirin khilaaf xiligan ka taagan.

Waxa uu sheegay In magacaabista Guddiga loo marayo qorshe la dajiyay ay wada ogyihiin wasaaradda Arrimaha gudaha Hir-shabeelle iyo Guddiga la Maacaabayo.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Diinta iyo Awqaafta Nuur Xaashi ayaa sheegay in ay jiran shaqsiyaad xamar ku sugan oo faafinaaya warar been abuur ah oo ku saabsan in uu khilaaf ka taagan yahay Magacaabista Guddiga Doorashooyinka Maamulkaasi.

Waxaa xiligaan dhamaad ku dhow muddo xileedka Madaxda hir-shabeelle,waxaa jira warar ku aadan in khilaaf uu ka taagan yahay Magacaabista Guddiga Doorashooyinka Maamulkaasi.

Warar soo baxaya aaya sheegaya in Dowladda Dhexe ay doonayso in ay faragalin ku sameyso doorashadda hir-shabeelle si lamid ah koonfur Galbeed iyo Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here