Wararka ka imaanaya degaanno ka tirsan Gobalka Shabeelaalla Dhexe ayaa ku warramaya in ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in tuulo lagu lagu magaacabo Gololey uu ka dhacay qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka Lagu aaso.
Goobjoogayaal ku sugan tuulada ay wax ka dheceen ayaa inoo sheegay in qaraxa lala eegtay ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa,iyaga oo sheegay inay qaraxaasi khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Burundi oo kamid ah Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

