Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee ayaa Taliye Cusub u magacaabay Taliyaha Nabad-sugidda ee Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha NISA Fahad Yasin Haji Dahir ayaa waxaa xilka Taliyaha Nabad-sugida Gobolka Banaadir loogu Magacaabay inuu noqdo Yaasiin Cabdulaahi (Fareey) isagoo bedelaya Taliyihii Hore ee KMG ahaa ee Ciise Maxamed Ciise.
Taliyaha Cusub ee Nabad-sugida ee Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa uu ahaa Madaxii Ilaalada Agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo la shaqeeyay Taliyaal hore ee Nabad-sugid soo maray.
Ciidanka Nabad-sugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Taliyaha Cusub ee la Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

