Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Godinlabe

0

Waxaa Godinlabe si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynihii hore maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoor-qoor  iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa kusoo dhaweeyay  Xaaf Godinlabe.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu dambeyn ogolaaday in uu xilka wareejiyo maadaama lagu guuleestay xalinta tabasho uu ka qabay doorashadii dhowaan Dhacday.

Waxaa la filayaa in ay dhawaan soo gaaraan magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, Xaaf iyo Qoor Qoor ayaa waxaa ay u muuqdaan ay dhameyeen khilaafkii ka dhexeeyay eek u aadanaa cidda ah madaxweynaha Galmudug, maddaama uu madaxweyne xaaf ka hor yimid doorsho dhawaan ka dhacday Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo halkaas ka maqnaa bilihii dambe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here