Macalinka kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisa xili ciyaareedkaan u baahan tahay xidig ka ciyaara dhanka daafaca, gaar ahaan dhanka Garbaha,
Kooxda Red Devils ayaa mar kale galaysa waayo Mugdi ah kadib markii ay ka dhaawacmeen xidigaha Antonio Valencia, Luke Shaw, Marcos Rojo, iyo Ashley Young oo mudooyinkii dambe kooxda u matalayay dhanka daafaca,
Macalinka reer Holland oo saaxaafada hadal kooban siiyay ka Hor kulanka South-hamtom ayaa sheegay in ay kooxda u baahan tahay xidig daafaca ka ciyaara madaama ay xidigiisa u wanaagsanaa ay ka dhaawac yihiin xiligaan,

