Xildhibaanno iyo Wasiiro Ka Tirsan Maamulka KGS oo Gaaray Diinsoor

0

Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ayaa gaaray degmada Diinsoor ee Gobalka Baay halkaas oo lagu wado in ay ku dhex dhexaadiyaan labo Malleeshiyo beeleed oo halkaa dhawaanahan ku dagaalamayay.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo wafdiga kamid ahaa ayaa waxaa ay shacabka uga tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintey dagaalkii dhaca,waxaana ay sheegeen inay wadaan sidii naabad dadka degmada Diinsoor ugu wada joogi lahaayeen.

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar waxaa uu sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhex-dhexaadin doonaan beelahaas, waxaana uu ugu baaqay in si deg deg ah ay u joojiyaan colaadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here