Ciidamadda Hir-shabeelle oo Baadigoobaya ragii ka dambeeyay Qaraxii Jowhar

0

Qarax Miino oo geystay khasaare dhimasho iyo dhawaac ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob lagu shaaho oo xilliyada galbihii ay dadka isugu yimaadaan, waxaana loo badinaya in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay hal ruux oo shacab ahaa tiro kalana oo Xildhibaano ay kamid yihiin dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Dhanka kale ciidamadda Amaanka Magaaladda Jowhar ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa wada howlgal ay ku baadi-goobayaan ragii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here