Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Iyo ku-xigeenadiisa.
Ilaa shan musharax ayaa u taagan Doorashadda Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenadda Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnaha u taagan jagadda Gudoomiyaha ayaa kala ah Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan.
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa u taagan Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed halka Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow ay u taagan tahay jegada Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aamisan in Xildhibaan Cali Saciid Fiqi Safiirkii Hore Soomaaliya ee Midowga Yurub uu ugu cad cad yahay doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

