Guddoomiyihii Nugaal oo u Geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray Qaraxii Garoowe

0

Magaaladda Garoowe waxaa xalay ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir), oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaaladda garoowe.

Qaraxa oo ka dhacay Afafka Hore ee Saldhiga Bartamaha ee Magaaladda Garoowe ayaa sababay dhaawaca Gudoomiyaha iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Nugaal,waxaana dhaawaca u geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir).

Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame  (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here