Faah-Faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Xaafadda suuqa Xoolaha Degmada Heliwaa ee Magaaladda muqdisho.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in Qaraxa uu heelay gaari Booyadd oo shidaal siday ay leeyihiin Ciidamadda Amisom,waxaana ku dhaawacmay wadihii gaariga, Booyadiina waa gubatay.

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas ay ridayeen Ciidamadda Amisom ee Qaraxa lala eegtay.

Ilaa haatan lama sheegin khasaare kale uu qaraxa Geystay.

Inta Badan Ciidamadda Amisom ayaa qaraxyo lagula eegtay Xaafadda suuqa Xoolaha Ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here