Somaliland oo Amar Kasoo Saartay Goobaha Dadku isugu Yimaadaan

0

Maamulka Somaliland ayaa amar kazoo saaray meelaha ay dad weynu isugu yimaadaan, sida maqaayadaha iyo goobaha kale ee lagu caweeyo.

Waxaa ay sheegeen in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan ciddii ka hortimaadda awaamiirtooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay  in la mamnuucay in dadka ay isugu yimaadan Marfashyada iyo Goobaha kale, waxaana intaas uu ku daray in ciidamo gaar ah geyn doonaan magaalooyinka uu ka arrimiyo maamulkoodu.

Waxaa ay sheegeen maamulku in ay tallaabadaan kaga hortagayaan sidii degaanadooda uusan uga dillaaci laahyn cudurka CaronVirus.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here