Guddoomiyaha Guddiga caleema-saarka Qoor qoor oo Xaaf La Kulmay

0
Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa Magaaladda Gaalkacyo kula kulmay madaxweynihii hore ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Yuusuf garad oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in uu Gaalkacyo ku booqday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle,islamarkaaa isaga iyo madaxweyne Xaaf ay isla soo qaadeen sheekooyin dhinacyo badan oo isu’gu jira dhacdooyin hore kuwa hadda taagan iyo Mustaqbalka Galmudug.

“Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayuu yiri Yuusuf Garaad

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here