Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gabalka Mudug ayaa xalay waxaa lagu dilay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle).
Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa dil loogu geystay xildhibaan ka oo ka tirsanaa Golaha Degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Maamulka Gobaleedka Puntland.
rag ku hubeysan Bistoolado ayaa toogtay xildhibaanka sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal ka agdhawaa goobta falku uu ka dhacay, waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay goobta isaga baxsadeen, waxaa la sheegay sidoo kale in ay isla goobta ay ku toogteen Askari ka tirsan ciidanka Maamulka Puntland.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loogeystay XGaildhibaanka ka tirsanaa golaha deegaanka, balse falalka nuucaan ah waxaa looga bartay Al-shabaab.

